Ad Code

Responsive Advertisement

Ticker

6/recent/ticker-posts

Qisadii halla atiiq, sidee xijaabku nolosheeda u badbaadiyay

Habeenka arooska maxay xijaabka u tuuraan gabdhuhu ? 

Xijaabku waxa weeyaan mashruuc qawmi ah 
Xijaabku waa sumada ama calaamada lagu garanayo haweenayda muslimka ah .

Xijaabku wuxuu ahaa faral ilaahay umadihii hore uu kusoo dajiyay, oo diintii tawraad iyo injiilkaba dumarka lagu soo dajiyay xijaabka.

Gabadh bilaa xijaaba waa magaalo bilaa askar ah oo bilaa difaaca, gabadh bilaa xijaaba waxay la mid tahay buur ka samaysan baraf , waxay la mid tahay dheeman wadada lagu tuuray.

Waxa laga yaabaa gabdhaha qaar inanay garanayn qiimaha xijaabka lkn qisadan markaad akhrisato waxaan filayaa inaad wax badan iska badali doono fikirkaaga jacaylka xijaabkuna kugu sii siyaadi doono .

Waxaan idin la wadaagayaa sheeko aad cajiib u ah oo ka dhacday maraykanka , tariikhdu markay ahayd 1979.

Suuriya waxaa ka yimid nin ka baxsaday siyaasadii iyo xukunkii jiray wakhtigaas oo u soo cararay maraykanka. 

Mudo ka bacdi xaaskiisa wuxuu ku yidhi ,guri markaan inoo kireeyo wax walbana aan inoo hagaajiyo, adiga iyo saddexda hablood( oo uu dhalay) iga daba yimaada.

Mudo saddex bilooda ayaa gabadhii iyo saddexdii hablood ay safar dheer soo galeen oo ay kasoo dhoofeen suuriya.

 aabahoodna waxa uu ku sugayay magaalada los Angeles , gabadhii iyo caruurteediiba markii ay soo dageen waxa ay diyaaradii soo caga dhigatay magaalada new York.
 
 Markii ay kusoo dagtay new York , galaadii ayaa u yimidi qoyskii safarka ahaa , waxay ku yidhaahdeen hadaba waa inaad xijaabka iska saartaan ,saan sawir idiinka qaadno oo aan idiinku samayno green card kii , wakhtigaasna green card ka waxaa loogu samayn jiray airport ka dhexdiisa dadka qaxoontiga ah ee maraykanka soo gala.

Sababtaasuna waxa weeyaan sawirkaas oo ay dhagtoodu muuqato iyo wajigoodu si fiican sawirka looga qaado. 

Hooyadu way yara war warsanayd luuqada English ka ahna ma aysan garanayn , markaa siyaroo fudud intay xijaabkii iska tuurtay ayaa sawir laga qaaday, markaasay dib xijaabkii u gashatay, inantii waynaydna xijabakii way iska dhigtay sawirkii baa laga qaaday, tii labaadna saas oo kale ayay samaysay.

Tii ugu yarayd oo magaceeda la odhan jiray "haala atiiq " oo da,a deedu markaa ahayd 15sano ayaa markii wakhtigeedii la gaadhay ee la damcay in sawirka laga qaado lagu yidhi xijaabka iska siib. 

Waxay ugu jawaabtay askartii maraykanka xijaabku waa qayb kamida caqiidayda iyo diintayda lagamana yaabo inan iska siibo.

Ragii askarta ahaa way yaabeen! Waxayna ugu jawaabeen dhagayso inanta yareey , hadii aadan xijaabka iska siibin oo aan sawirka lagaa qaadin suuriye dii aad ka timid ayaa lagugu celinayaa.

Maxay ugu jawaabtay halla ? 

Waxay ugu jawaabtay inaad suuriya igu celisid ayaan ka jecelahay intaan xijaabkayga iska saari lahaa.

Bal ka waran inan taa yar dhiiranaanteeda , waa inan yar oo 15 jiraa , safar aad u dheer soo gashay , kasoo hayaantay wadankeedii oo jid dheer iyo rafaad usoo martay si ay halkan usoo gaadho,oo baqaysa oo aan garanayn maanta waxa ku dhacay xataa luuqada aanan aqoon . 

Waxay ku adkaysatay marba hadii xuquuqdeeda la ga qaadayo oo xijabakii laga siibayo inay midaas ka doorbidayso inaa wadankeedii dib loogu celiyo .

Askartii iyo maamulkii airport ka way yaabeen waanay kusoo urureen inan tii yarayd , way ka diiday inay maqasho .

Inta la kaxeeyay ayaa qol yar kaligeed lagu xidhay oo reerkeedii laga dhex saaray, 

Markii askartii ay ka quusteen hooyadeed baa loo yeedhay, si ay ula hadasho waxanay ku tidhi hooyo waan daalanahay lacag ma haysano haday dayuuradan naga tagto aan tikidh cusub ku goosano, waan daalanahaye ha i daaline ee iska saar xijaabka , halagaa qaado aan diyaarda iska raacno , inan tii yarayd intay dhagaysatay ayay tidhi ma saarayo xijaabka.

Walaashedii ka waynayd ayaa loo soo galiyay markaasay ku tidhi haalla danbi kuguma aha inaad xijaabka iska saartid sababtoo ah waxa weeyaan duruuf adag oo naga awood wayn baa meesha inagu haysata illahayna wuu ku saamaxaya ee iska saar xijabka.

Mar walba oo lala hadlo intay dhgaaysato dhagaysato ayay odhanaysaa maya.

Aakhirkii markaa la isku daalay ee la isku xiiqay , qoladii maraykanka ayaa u jilicday gabadhii , waxaanay ku yidhaahdeen hadaba iska hayso xijaabkaaga aan kaa qaadno sawirka , sawirkii baa laga qaaday halla atiiq, lakiin gaaladii markii ay u ogaalaadeen inay xijaabkeedii xidhato 3 saac markii la haystay ayaa la sii daayay waa mar diyaaradii ka tagatay oo ay ka habaaameen. 

Hooyadeed baa aad u xanaaqday oo inantii ku tidhi aad baad u madax adagtahay maxaan imika aan samaynaa. 
Waxay tageen meeshii airport tigidhka laga jarayay lacag ku filan ma aysan haysan dadkii bay baryeeen oo lacag yar baa loogu dul daray intay haysteen.

Sababtuna waxa weeyaan dayuuraday raaci lahaayeen waa ay ka tagtay , waxay ku qasbanaadeen inay tikidho cusub iibsadaan oo diyaarad kale ay raacaaan. 

Kadib markii ay safarkii cusbaa galeen hooyadii gabadha lama aysan hadlayn, waxa ay ka niyad jabsanaayeen lacagta ka khasaartay .

Markii ay ka soo dageen los Angeles waxaa airport ka ku sugayay aabahood , aabahood markuu arkay wuu iska ooyay wuxuuna ku yidhi maad nooshihiin maad nooshihiin ayuu ku celcelinayay.

Hablihii iyo hooyadood ayaa yaabay! waxay dhaheen maxaa dhacay ? 

Waxay dhaheen maxaan u noolaan waynay , sababtu waxa weeye, uu aabahood suaasha u waydiinayay diyaaradii ay ahayd hablaha iyo hooyadood ee ay ka hadheen ee lanbarkeedu ahaa 191 ayaa markay madaarkii saas uga kacday ee ay is lahayd tag los Angeles ayay dhacday. 

Sababtuna waxa weeyaan mishiin kamida mishiinadii diyaarada ayaa gubtay markay sidaa u duushay.

Diyaaradii way dhacday waxaa ku dhintay 285 qof oo ku jiray dayuurada iyo 13 qof oo kamida dadka dayuurada ka shaqaynayay iyo laba qof oo dhulka ayagoo socda ay kusoo dul dhacday. 

Shilkaas diyaarada ku dhacay ee lanbarkeedu ahaa 191 wuxu kamid yahay shilalkii ugu khatarsanaa ee ugu xumaa ee taariikhda diyaaradaha maraykanka soo maray. 
Inantii yarayd ee halla intay hooyadeed iyo aabaheed eegtay ayay ku tidhi xijaabkaygii ayaa idin bad baadiyay , xijaabku wuxuu badbaadiyay nolosheenii.

Sababta sheekadeeda boqolal ayaa diinta islamka gashay , gabdho badan oo anan xijaaban jirina sabab ayay u ahayd inay xijaabtaan 

Gabogabadii 

Xijaabkaagu wuu ka qaalisan yahay xaflad aroos aad u saaraysid, xijaabkaagu wuu ka qaalisan yahay bulsho cusub aad kusoo biirtay iyo dhaqan cusub, 











Post a Comment

0 Comments